SAWIRRO: Musharax xildhibaan Faarax Salaad Dharaar oo Baledweyne kula kulmay odayaasha dhaqanka.

0
308

Musharax Xildhibaan Mudane Farax Salaad Dharaar ayaa maanta waxa uu kulan qado sharaf ah layeeshay odayaasha dhakhanka beesha uu kasoo jeedo ee uu kumatali doono Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Mudane Farax salaad Dharaar ayaa qado sharafta kadib wax uu madasha kulanka uu ka dhawaajiyey howlaha uu  qaban doono hadii uu kusoo baxo kursigan Barlaamaanka soomaaliya.

Waxa uu sheegay in matalaadiisu ku ekaan doonin Hoteelada balse uu la iman doono matalaad dhab ah oo lagula xisaabtami doono hadii uu fulin waayo balan qaadka uusameyey.

Odayaasha iyo waxgaradkii kasoo qeyb galay madasha ayaa waxa ay sheegeen in ay garab taagan yihiin musharax Xildhibaan Farax Salaad Dharaar soona dhaweynayaanmushataxnimadiisa.

Ugu danbeyn waxa ay sheegen in loobahan yahay isbadal dhab ah oo lagu sameyo kursi baarlamaankooda oo mudo kusiman 16 sano uu hayay Xildhibaan mohamed xassan Ibraahim (Qoono).