SAWIRRO: Musharax Xildhibaan Faarax Salaad Dharaar Oo Kormeray Biya Xireenka Baledweyne

0
358

Musharax Xildhibaan Golaha Shacabka Soomaaliyeed Mudane Farax Salaad Dharar ayaa maanta waxa uu kormeer ku tagay Biya xireenada magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo ay magaalada ka fuliyeen gudiga xalka waara ee fatahada Magalada Beledweyne oo uu gudoomiye u yahay Xaaji Cismaan dhagaxow.

Kormeerka uu sameynayey Musharax  Xildhibaan mudane Farax Salad Dharaar ayaa ku adana sidii uu u bogaadin lahaa gudiga Gurmadka Fatahadaha Beledweyne iyo sidii uu ugu kuur gali lahaa howsha adag ee ay qabteen.

Kormeerka kadib Mudane Farax Salad Dharaar ayaa waxa uu booqasho dhiiri galin ah ugu tagay xarunta gudiga fatahada Beledweyne isagoo shahaado sharaf Gudoonsiiyey Gudiga Gurmadka Fatahadaha Beledweyne oo uu u gudoomay Xaaji cusmaan dhagaxoow.

Gudoomiyaha gudiga gurmadka Fatahada Beledweyne oo warbaahinta lahadlay ayaa waxa uu ugu mahad celiyey musharax Xildhibaan Mudane Farax Salad Dharar kormerkiisa iyo Shahada sharafta uu gudoon siiyey Gudiga.