SAWIRRO: Musharax Xildhibaan Faarax Salaad Dharaar oo kulan layeeshay Duqa Beledweyne.

0
231

Mudane Faarax Salaad Dharaar ayaa xarunta dowlada hoose ee magaalada Beledweyne kulan kula yeeshay duqa magaalada Marwo Nadar Tabaax Maalin waxa una kala hadlay sidii loo hormarin lahaa bilicda magaalada loogana shaqeyn lagaa nadaafada guud wadooyinka halbowlaha u ah magaalada,

Musharax Faarax Salaad Dharaar ayaa sidoo kale waxa uu usoo jeediyey Duqa magaalada in laga shaqeyo sidii Dayactir loogu sameyn lahaa Leyrarka cadceeda ku shaqeya oo aan shaqeyn si Magaaladu u noqoto mid habeen iyo maalinba ifeysa.

Duqa Magaalada Beledweyne Marwo Nadar Tabaax oo xarunta kusoo dhaweysay Musharax Xildhibaan Mudane Faarax Salaad Dharaar ayaa waxa ay sheegtay in ay socdaan dadaalo xoogan oo kor loogu qaadayo Billicda magaalada oo ay tahay waajib saaran maamulka iyo Bulshada Magaalada.

Sidoo kale marwo Nadar Tabaax Maalin ayaa waxa ay shegtay in ay qaadan doonan soo jeedinta musharax Xildhibaan Faarax Salaad Dharaar sida ugu fududna loo hagaajin doono Leyrarka Cadceeda Magaalada.