Somaliland Ayaa Markale Shacisay Sharuudo Ay degaanadeeda ku tegi karaan mas’uuliyinta DFS

0
87

Somaliland  ayaa markale waxaa ay ka hadashay qaabkii Ra’isul Wasaare Ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya,Maxamed Cumar Carte qaalib, uu hargaysa u tegay iyo sida ay degaannada Soomaaliland ku tegi karaan mas’uuliyinta xilalka ka qabta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

War-Saxaafaded kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliland ayaa waxaa lagu sheegay in shaqi kasa ee kasoo jeeda degaannada Soomaaliland ee xil ka qabta Dowladda Federaalka uu degaannada Maamulkaas ku tegi karo in uu xilka iska casilo iyo in uu ka tanaasulo mowqifkiisa ku aadan midnimada Soomaaliya.

“ Muwaadin kasta ee Reer Soomaalland oo Qaranka iyo ummadda ka galay dambi, xilna ka qabtay dowladda Federaalka  waxaa kaliya ee lagu saamixi karaa markii uu fagaaro ka cadeeyo in uu iska casilay xilkii kana laabtay fikirkii midnimada Soomaaliya kuna cadeeyo qoraal iyo cod ayaa lagu yiri” Qoraalka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliland.

Warkaan kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli shalay uu Magaalada Hargeysa ka degay Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib iskana casilay xubinimadii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.