SWIRRO: Kulan looga soo horjeday dhismaha cusub ee Hirshabeelle Oo B/weyne ka dhacay

0
143

Kulan looga soo horjeday dhismaha maamulka cusub ee Hirshabelle ayaa lagu qabtay magaalada Baledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, waxana kulan ka qeyb galay aqoonyahano, waxgarad, dhalinyaro iyo marti Sharaf kale oo lagu casumay.

Ka qeyb galayaashii kulanka waxa ay ka hadlen qodoba lagu heshiiyay bilowgii dhismihii hore ee Hirshabeellada u waqtigedu dhamaaday oo ay goob jog ka aheyd beesha caalamka loona baahan yahay in la ilaaliyo heshiiskii horay loo wada gaaray.

Qaar kami ah aqoon yahanadii ka qeyb galay kulanka oo goobta ka hadlay waxa ay sheegen in hadii la baalmarana ay ka dhalan karto bur-bur iyo sii kla fogaansha lasii kala fogeeyo bulshada uu ka dhaxeeya maamulka loona baahan yahay in laga fiirsado dhismaha Hirshabeelle.

kulanka ka dhcay magaalada Baledweyne waxa u imanaya xili magaalaada Jowhar u ka soconaya dhismaha mamuka cusub, waliba ay gaareen magaaladaas masuuliyiin horay xilal uga soo qabtay Gobalka Hiiran sheegayna inay u tagen dhismaha maamulka cusub.

Sawiro: