Wararkii Ugu Danbeeyey Khasaaraha ka dhashay Weerarkii ka dhacay Buurweyn.

0
127

Faah fahino dheerad ah ayaa kasoo baxaya degaal gestay khasaara isugu jira dhimasha iyo dhaawac oo ka dhacay degaanka Buurweyn xili ciidamada dowada Soomaaliya ay marayeen wadada xariirisa Degmooyinka Bullobarde iyo Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan.

dagaalka ayaa yimid kadib markii al.shabaab ay qarax la begsaden kolonyo ay la socden ciidmada militariga Soomaaliya qeybta 27aad oo ka amba baxay Bullobarde, waxana halkaasi ka dhacay degaal toos oo u dhaxeya al.shabaab iyo ciidamada dowlada.

Wararka ay heshay HMC, ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhinten ku dhawaad afar askari oo ka tirsan ciidamda dowlada dhaawacna u jir in kasto aan la xaqiijin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka, waxana ay wararku sheegayan in askar ku dhaawactay dagaalka la geeyay Degmada Bullobarde.

Saraakiisha Ciidamada dowlada Soomaliya ayaa sheegey in ay dileen xubno ka tirsan Al.shabaabkii werarka kusoo qaaday, waxaana ay sheegen in ay wadaan howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka wadada Xariisa Buulo burde iyo Jalalaqsi.