Yaa Awood badan Labada Milatari Ee Dalalka Azerbaijan iyo Armenia oo hadda degaalamaya

0
115

Ku dhowaad laba sano kaddib markii uu ka tagay kooxda reer Spain ee Real Madrid, Cristiano Ronaldo ayaa la kulmay kabtankiisii hore ee Sergio Ramos, inta lagu gudi jiray kulankii saaxiibtinimo ay xalay wada ciyaareen xulalka Portugal iyo Spain.

Labada xiddig kuma aysan kulmin garoonka dhexdiisa, madaama Ronaldo garoonka laga saaray laguna badalay booskiisa daqiiqadii 73-aad, xiddiga kooxda Atletico Madrid ee João Félix, halka Sergio Ramos uu fadhiyay kursiga keydka ee La Roja ilaa daqiiqadii 82-aad, wuxuuna badelay Eric Garcia.

Inkasta oo aysan ku kulmin garoonka dhexdiisa, kaamirooyinka ayaa qabtay kulan ku dhex maray labada xiddig qorlka dher badelashada, taasoo meesha ka saareysa wararka sheegayay inuu go’ay xiriirkoodii fiicnaa ee u dhexeeyay, tan iyo markii uu Ronaldo ka tagay kooxda Los Blancos.

Kulanka ku dhex maray Cristiano Ronaldo iyo Sergio Ramos ayaa waxaa ku wehliyay saaxiibkoodii hore kooxda Real Madrid ee Pepe, sida ka muuqatay sawir uu ku daabacay Sergio Ramos boggiisa rasmiga ah ee Instagram-ka.

Haddaba Cristiano Ronaldo ayaa gudoonsiiyay maaliyadiisa saaxiibkiis hore ee Sergio Ramos, wuxuuna kabtanka kooxda Real Madrid fariin u diray labada xiddig ee xulka qaranka Portugal wuxuuna yiri:

“Weli halkaan ayaan joognaa… kuwo kalena weli way imaan doonaan”.

“Waan ku faraxsanahay inaan idin arko saaxiibbaday Cristiano Ronaldo iyo Pepe”.