Arsenal oo doonista saxiixa xiddig ka tirsan Inter Milan kula soo biirtay Kooxaha Manchester United iyo Liverpool,

0
111

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la soo warinayaa inay tartanka saxiixa xiddig ka tirsan Inter Milan kula soo biirtay Manchester United iyo Liverpool.

Arsenal ayaa qorsheynaysa inay gacanta ku dhigto saxiixa Nicolo Barella oo khadka dhexe u maamula Inter Milan.

Laacibkan khadka dhexe ee Nicolo Barella kaasoo ka tirsan Inter Milan, waxaa wada doonaya kooxo waa weyn oo ka dhisan qaaradda Yurub, Gunners ayaana qorsheynaysa inay haatan u dhaqaaqo saxiixiisa.

Sida uu warinayo Warsidaha FCInterNews, kooxda lagu naynaaso Gunners ayaa kula soo biirtay kooxaha Manchester United, Liverpool iyo Atletico Madrid tartanka ay ugu jiraan saxiixa 23-sano jirkaan ka tirsan xulka qaranka Talyaaniga.