CC Shakuur oo war ka soo saaray raali-gelintii Xasan Cali Kheyre

0
77

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan ayaa xaqiijiyay warka kasoo baxay ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo sheegay inuu raali gelin ugu tegay isaga.

Candiraxmaan ayaa sheegay in Kheyre uu raali gelin ka bixiyey weerar 2017-kii lagu qaaday hoygiisa.

“Waxaa caawa xarunta Xisbiga Wadajir nagu soo booqday Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna musharrax madaxweyne Md Xasan Cali Kheyre. Kheyre wuxuu cudurdaar iyo raalli gelin ka bixiyey weerarkii 17-kii Dec 2017” ayuu qoraalkii ku yiri.

Qoraalka Cabdiraxmaan ayaa intaas ku sii daray “Waxaan ugu baaqaynaa masuuliyiinta kale ee dowladda ee weerarka ku lug lahaa in ay fursaddan oo kale weli u furan tahay.”