Ciyaaryahankii mucjisada Diego Maradona oo geeriyooday

0
123

Ciyaaryahankii hore ee xulka Argentina Diego Maradona oo ka mid ahaa ciyaaryahanadii ugu caansanaa ee caalamka soo maray ayaa ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaal magaalada Buenos Aires.

Maradona oo ahaa lixdan sano jir ayaa qalliin loogaga sameeyay maskaxda horaantii bishan waxaana laga daweynayay isagoo qabatimay cabida alkoolka.

Diego Maradona ayaa ahaa kabtankii xulka Argentina oo ku guuleystey koobkii adduunka sanadkii 1986,isagoo gacanta ku dhaliyay gool kulankii Rubac dhamaadka ee xulka England.

Madaxweynaha dalka Argentina Alberto Fernandez, ayaa ku dhowaaqay baroordiiq saddex maalmood ah.

Maradona ayaa u soo ciyaaray kooxaha Barcelona iyo Napoli isagoo labo koob oo ah koobka horyaalka talyaaniga la qeybsaday Napoli.