{DAAWO SAWIRADA} Dayactir lagu bilaabay Buundada Beergadiid ee dagmada Matabaan

0
377

Gudiga Gaadiidleyda Gobalka Hiiraan iyo Rugta Ganacsiga Gobalka oo iskaashanaayo ayaa maanta si rasmi ah bilaabay dhismaha Buundada Beergadiid dagmada matabaan ee Gobolka hiiraan

Buundada beergadiid ayaa muhiim u ah isku socodka gaadiidka iskaga kala goosho Gobolada waqooyin iyo kuwa koofureed ee dalka soomaaliya.

Qaar kamid ah wadayaasha gaadiidka ee isticmaalijiray buundada beerhadiid ayaa si weyn u so dhaweyay dib u dayactirka lagu sameynaayo buundada Beergadiid ee Gobolka hiiraan.

Mudo kabadan 40 sano ma helin wax dayactir ah wadooyinka iyo buundooyinka dalka marka laga tago maamulada qaar oo ku sameyay dayactir aan sidaas u weyneeyn.