{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne ku Xigeenka Hirshabeelle Oo Deeq Xoolo ah ku Wareejiyey Ciidamada Baladweyne.

0
129
Madaxweyne ku Xigeenka Hirshabelle “Yusuf Axmad Hagar dabageed” ayaa Maanta Booqday Ciidanka xooga dalka somaaliyeed Gaar ahaan qeybta 27aad ee guutada shanaad iyo qeybaha kale ee ciidamada kuwaas oo ka howlagala gobalka hiiraan.
Madaxweyne ku Xigeenka Hirshabelle ayaa Booqday dhamaan Talisyada ciidmadu ku leeyahiin Magalada Baladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay la yimadaan isbadal dhab ah kaas oo lagu sugayo amniga guud ee gobalka .
Waxa kale ee uu Madaxweynahu Ciidamadaan u balanqaday in askari walba uu heli doono abaal marin ku aadan kartida iyo Hufnanta uu mid waliba la yimaada
Taliyaasha Ciidmada ayaa dhankooda ugu Mahad celiyay madaxweyne ku xigeenka in booqashadani ay u tahay dhiiragelin.
Ugu Danbeyntii madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle “Yusuf Axmad Hagar dabageed” ayaa Ciidamadaan gudoonsiyay Sadax neef oo geel ah kuwaas oo u ugu Talagalay ciidamadaan har iyo habeen u taagan difaaca dadka iyo deegaankooda.
Arintaani ee uu ku dhaqaqay madaxweyne ku xigeenka hirshabelle ayaa ka mid ah
qoryashiisa oo uu kula kulmayo shacabka, Masuliyiinta iyo Ciidamada Qeybahooda Kala duwan inta uu ku sugan yahay Magalada baladweyn ee xarunta goblka Hiiraan.