{DHAGEEYSO} Maleeshiyo Hubeeysan Oo La Wareegtay Bar koontorool Oo Baladweyne ku taala.

0
231

Maleeshiyo hubeeysan oo ka careeysan Qaabkii  loo maray dhismaha Maamulka Hirshabeelle ayaa subaxnimadii hore ee saakay la wareegay bar-koontorool oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Booliska isla markaana lagu qaadi jiray canshuurta taasi oo ku taalla Duleedka Magaalada gaar ahaan waxaa ay saaran tahay Airort Ugaas Khaliif.

Dableeyda ayaa la sheegay in ay ka tirsan yahiin Jabhada xaq- udirirka Hiiraan oo dhowrki maal-mood ee lasoo dhaafay ku sugnaa Deegaanka Ceelgaal oo qiyaastii 13 kmt ujira Magaalaa Baladweyne.

Afhayeenka Jabhada la magac baxday Xaq-udirirka Hiiraan Shaafici  Maxamed Yuusuf  oo la hadlay Idaacada Hiiraan ayaa sheegay in si nabad galyo ah ay ula wareegin Barka koontorool isla markaana ay ku hareereysan yahiin Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif Sida uu shegay.

Afhayeenka ayaa sheegay in manta lagu waday in uu Baladweyne uu soo gaaro Madaxweynaha Hirshabelle Cali Xuseen Guudlaawe taasina ay kasoo horjeestay iyagoona tilmaamay in Baladweyne uunan imaan karin ilaa heshiis laga gaaro waxa ay tabanayaan.