DHAGEYSO: Faah faahinta Al.shabaab oo weeraray degmada Jalalaqsi

0
148

Inta la xaqiijiya ilaa lix ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacantay weerar al.shabaab ay xalay ku qaaden degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan, dagaalka ayaa yimid kadib markii al shabaab ay soo weeraren saldhiga Booliska degmadaas.

Al.shabaab waxa kale oo ay weerareen goob lagu iibiyo jaadka oo ku taal Jalalaqsi ka hor inta aysan weerarka ku qaadin saldhiga ciidamada Booliska sida uu maamulka degmada u xaqiijiyay idaacda Hiiraanweyn.

Gudoomiye ku xigeenka siyaasada ee degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan Ibraahim Madoobe Nuunow oo ka hadlay weerarkii xalay ka dhacay degmadaas ayaa sheegay in al shabaab ay weerar kusoo qaaden saldhiga degmada sidoo kalana ay tira madaafiic ah kusoo tuuren xaafadaha magaalada kuwaas oo ku kala dhacay Wadajir iyo Horseed ee degmada Jalalaqsi.

Halkan Hoose ka Dhageyso:

dhawaan ayey aheyd markii al.shabaab sidaa oo kale ay weerar ku qaaden guriga gudoomiyaha degmada Jalalasi Maxamed Nuur Cagajoof iyo saldhiga booliska degmada, waxana uu weerar kaasi sababay khasaara isugu jira dhimasha iyo dhaawac.