Kahor doorashooyinka, waa muhiim badbaadinta xorriyadda warbaahinta Soomaaliya.

0
149

MUQDISHO, Soomaaliya, 17 November 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), Daladda Warbaahinta Madaxa-Bannaan (SOMA), ururka wariyaasha baahiyaha gaarka qaba,Dallada Warfidiyeenka Shabeellaha Hoose, agaasimayaasha in ka badan 30 xarun warbaahinta oo madax-bannaan ayaa maanta kulan wadajir ah oo looga tashanayey xorriyadda warbaahinta, xeerka warbaahinta iyo badqabka weriyayaasha xilliga doorashoyinka isugu yimid magaalada Muqdisho.

Madaxda ururrada warfidiyeenka, kuwa warbaahinta iyo agaasimayaasha warbaahinta madaxa-bannaan ayaa si wadajir ah walaac uga muujiyay bayaan uu dhowaan soo saaray Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cisman Abokor Dubbe u diray xubnaha beesha caalamka isagoo ku weydiistay taageero ku aadan dhaqan-gelinta Xeerka Warbaahinta ee caburinta iyo faafreeb ku soo rogaya warbaahinta iyo weriyayaasha Soomaaliya. Waxay cambaareeyeen isku dayada masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta ee lagu doonayo in lagu wiiqo shaqada saxaafadda madaxa-bannaan xilliga doorashooyinka.

Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee SJS ayaa caddeeyay in xorriyadda hadalka iyo tan saxaafadda ee dalka ay hadda mareyso meel adag, ayna weriyeyaashu wajahayaan faafreeb ku saleysan handadaad. Mr. Mumin ayaa sheegay in weerarkii ciidamada amniga ku qaadeen weriye Cabdullaahi Kulmiye Caddow oo ka tirsan Radio Kulmiye uu ahaa weerar qorsheysan oo ka dhan ah warfiyeennada Soomaaliyeed oo dhan.

“Nasiib darro, halkii aan ka fileynay inay wax isbeddellaan, Dowlada Soomaaliya iyo saraakiisheeda amniga waxay sii wadaan beegsiga warfidiyeenka madaxa-bannaan si maalinle ah. Ma garanayo sida warbaahintu u awoodi doonto warar xaqiiq ah oo dhex-dhexaad ah ay dadweynaha ugu gudbin karaan haddii aysan weriyayaashu helin badbaado,” ayuu yiri Mr. Mumin.

Mar uu ka hadlay qoraalka uu Wasiirka Warfaafintu u qeybiyay hay’adaha taageera saxaafadda iyo safaaradaha beesha caalamka qaarkood, wuxuu Mr. Mumin ku baaqay in Wasaaradda Warfaafintu joojiso dhaqangelinta Xeerka Warbaahinta ee caburinta ku ah warbaahinta xilligan doorashada lagu jiro.

“Waxaan ku baaqeynaa in wadatashi iyo dib u eegis dhameystiran oo daacad ah lagu sameeyo Xeerka Warbaahinta. Anagu waxaan diyaar u nahay inaan talo ku biirino sidii Xeerkan looga saari lahaa qodobada halista ku ah warbaahinta,” ayuu sii raaciyay Mr. Mumin.
——————END———————