Kulan Gaar ah oo Muqdisho ku dhaxmaray Xasan Sheikh Iyo Madaxweyne Qoor qoor

0
142

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa la kulmay Madaxweynihii hore Ee JFS ahna Hoggaamiyha Xisbiga Nabadda iyo Horumarka Mudane Proff Xasan Sheikh Maxamuud iyagoona ka wada-hadllay arrimo la xiriira geedi-socodka Doorahada 2020-2021.

Kulanka oo ka dhacay hoyga uu Muqdisho ka deganyahay HSM ayaa si gaar ah loogu llafaguray maareynta marxaladda kala- guurka ah si hannaanka doorashadu u noqdo wadar-ogol ah, loo dhanyahay isla markaana loo simanyahay.

Hoggaanka Galmudug ayaa gundhig u ah geedi-socodka doorashadan, oo dhanka ka qeybgalka dadweynaha iyo deegaan doorashadaba kaga ballaarran middii 2016.

 

-Dhammaad-
Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada GM.