Mikel Arteta oo xaqiijiyey dhaawac soo gaaray mid ka mid ah xiddigihiisa muhiimka ah

0
112

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa xaqiijiyey dhaawac soo gaaray mid ka mid ah xiddigihiisa muhiimka ah, waana Thomas Partey.

Saxiixa cusub ee Arsenal khadka dhexe uga dheela, Thomas Partey ayaa u baahan in maanta baaritaan lagu sameeyo kaddib markii uu dhaawac ka soo gaaray bowadada intii lagu guda jiray kulankii ay xalay guudarrada kala kulmeen Aston Villa sida uu xaqiijiyey Macallin Mikel Arteta.

Xiddiga xulka qaranka Ghana ayaa 45 daqiiqo ku qaatay garoonka Emirates ka hor inta aan lagu qasbin inuu baxo inta lagu jiray qeybtii nasashada, waxaana lagu bedelay Dani Ceballos.

 

Warka dhaawac Partey ayaa yimid xilli aysan xalay habeen qurux badan u hayn Gunners oo ay guuldarro 3-0 kala kulmeen Aston Villa iyagoo garoonkooda jooga.

Labo ka mid ah goolashaas waxaa ka dhaliyey Ollie Watkins, halka goolka kale uu ahaa mid uu iska dhaliyey Buyako Saka.