Muxuu ka yiri Zinedine Zidane guuldarradii xanuunka badneyd ee ka soo gaartay Valencia?

0
140

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa muujiyay sida uu kaga xun yahay guuldarradii kooxdiisa ka soo gaartay Valencia.

Valencia ayaa garoonkeeda Mestalla guul weyn kaga gaartay kooxda Real Madrid, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-1, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Haddaba Zinedine Zidane ayaa shir jaraa’id uu ka soo muuqday kaddib ciyaarta wuxuu ku sheegay:

“Way adag tahay in la fahmo waxa aan maanta soo bandhignay, waxaan si fiican ugu bilawnay 30-ka daqiiqo hore ee ciyaarta”.

“Kaddib goolkii barbaraha, kooxda wey burburtay wax walbana way isbadaleen, saddex rigoore iyo gool aan iska dhalinay, waa maalin xun, weyna adag tahay in la sharxo waxa dhacay”.

“Uma malaynayo in Valencia ay inaga fiicnayd heerka farsamada, wax walba way isbadaleen kaddib goolkii barbaraha”.

“Aniga ayaa mas’uul ka ah wixii dhacay, sababtoo ah waxay aheyd inaan helo xalal, laakiin ma helin, ma jiraan wax marmarsiyo iyo cudurdaar ah”.

Intaas kaddib Zinedine Zidane ayaa ka hadlay saddexdii rigoore ee loo dhigay kooxda Valencia, wuxuuna yiri:

“Wax fara gelin ah kuma sameyn doono shaqada garsoorayaasha, aniga ayaa gacanta ku haya kooxda, dhamaan ciyaartoyda waa ciyaartoydeyda, maantana waxay aheyd ciyaar adag”.

“Waa inaan horumarin ku sameynaa difaaca, xaallada heerka dhankan wey nagu adkeed dhawaanahan, laakiin waxa maanta dhacay aniga ayaa leh qaladaadkeeda, sababtoo ah waxaan ahay tababaraha”.