Qoor-Qoor oo bilaabay dadaallo uu ku dhexdhexaadinaya DFS & Musharaxiinta

0
107

Madaxweynaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo Muqdisho u yimid arrimaha Doorashada Soomaaliya & muranka ka taagan guddiga maamulaya ee heer federaal & heer Dowlad Goboleed ayaa sameeyay kulamo kala duwan oo badankood la qaatay Musharixiinta cabashada qabta.

Qoor-Qoor ayaa tan iyo 15-ka November 2020 oo haatan laga joogo 15-Cishe waxa uu la kulmay dhinacyo kala duwan sida Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ku hamineysa ku guuleysiga Doorashada 20/21 gaar ahaan kuwa kasoo jeeda DG Galmudug.

Shakhsiyaadka uu Kaariye la kulmay waxaa kamid ah: Ra’isul Wasaarihii hore XFS Xasan Cali Khayre, Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, Cabdiraxmaan CabdiShakuur Warsame hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir iyo Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow.

Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor Madaxweynaha DG Galmudug ayaa isu arka in uu xal ka gaari karo isu soo dhaweynta Dowladda Federaalka & Musharixiinta ku kala aragti fogaaday hab maamulka Doorashada 20/21.

Qoor-Qoor oo kaashanaya waaya-aragnimada uu ka dhaxlay Shirarkii Dhuusamareeb 1,2 & 3 oo isu soo dhaweynta Madaxda heer Federaal iyo heer, ka doodista nuuca doorashada oo jaha-wareer ka taagnaa iyo kulamadii is fahamka ku dhamaaday ee doorashada laga gaaray.

Qoor-Qoor oo marka la barbardhigo madax goboleedyada kale, waa shakhsiga ugu dhaw ee xiriirka wanaagsan la leh Dowladda Federaalka iyo Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya 20/21.