Saraakiisha Ciidamada AMISOM Oo la Kulmay General Abuukar Xuud.

0
231

Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo Ciidamada Maleeshiyada Hubeeysan ee la magac baxday Xaq udirirka Hiiraan hogaamiyaashooda ayaa kulan ku yeeshay Duleedka Magaalada Balaweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan halkaasi oo saakay ay fariisimo ay ka sameysteen Jabhada.

Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo hogaamiyaha Jabhada Generaal abuukar Xuud ayaa ka hadlay sidii loo Xoogan lahaa amaanka, iyagoona soo jeediyey in Maleeshiyad hubeeysan aga dul qaado Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif. Saraakiisha AMISOM ayaa balan qaaday in ay xalin doonan tabashada ay qabaan

Generaal Abuukar Xuud hogaamiyaha Jabhada xaq-udirirka Hiiraan aya sheegay in uu diyaar u yahay wax alaaliyo waxii lagu xaliyo tabashada ay qabaan isagoona AMISOM usheegay in waxa ay diidan yahiin ay tahay Socdaalka Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Xuseen Guudlaawe.