SAWIRRO: Madaxweyne ku xigeenka Hrshabelle oo loogu soo dhaweeyay Baledweyne.

0
167

Wafdi uu hogaaminayay Madaxweyne ku xigenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa goordhaw soo gaaray Magaalada Baledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, waxana wafdiga kusoo dhaweyay garoonka madaxda ygy sareysa maamulka gobalka iyo degmada Baledweyn.

Madaxweyne ku xigenka Hirshabelle iyo masuuliyiintii kale ee la socday markii u soo gaaray garonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif waxa uu salaan sharaf garoonka kaga qaatay ciidamada dowlada, iyadoo ay soo dhaweynta eyb ka ahaayen madaxda gobalka, kuwa degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Baledweyne.

Intaasi kadib Madaxweyne ku xigeenka hirshabelle waxa loo soo galbiyaya gudaha magaalada halkaas oo la qorsheyay inu kula kulmo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Baledweyne.

Wafdiga Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle ayaa horudhac u ah Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Cusub ee Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ku wajahan magaalada Beledweyne todobaadka soo socda.

Madaxweyne Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar (dabageed) ayaa kulamo la qaadan doona maamulka Gobolka Hiiraan iyo Bulshada Magaalada.

waxii warar ah kala soco wararkena danbe insha allaah.