SAWIRRO: Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo lagu soo dhaweyay Baledweyne.

0
180

Waxa maanta magaalada Baledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan xidhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo Kamid ah Xidhibaanada Baarlamanka Soomaaliya oo ay degaan doorashadiisu tahay magaalada Baladweyne.

Xidhibaan Jeesow waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif kusoo dhaweeyay maamulka gobolka, kan degmada Baladweyne iyo xidhibaano katirsan dowlad goboleedka Hirshabelle.

Soo dhaweyn kadib xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay dagaal beeleedyada ka socda degaana hoos yimaada degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan, waxana uu labada beelood ee diritu u dhaxeyso ugu baaqay in si deg deg ah loo joojiyo colaada isla markaana la isugu yimaado miiska wada hadalka.

“Waxa leyahay dadka walaalaha ah ee dagaalamaya xabadda joojiya oo ka shaqeya nabada dagaal wiil kuma dhasha ee wiil ayaa ku dhinta walaalayaal u tura dadka iyo deganka oo dhaafa dhiiga aad daadineysan, sidaasi waxa yiri xildhibaan Jeesow”

Sidoo kal xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa soo hadal qaaday jabhada uu hogaaminayo Jen. Xuud waxana uu shaaca ka qaaday in wax walba oo tabasha ah ay ku wanaagsan yihiin wada hadal loona baahan yahay in laga wada shaqeyo nabada.

“Qof kasta oo tabasha qaba waxa haboon in waxa uu tabanaya lagu xaliyo wada hadal runtii dadka reer Hiiraan dagaal iyo dhib wey soo maren waxa leyahay dadka qabo tabashada walaal yaalow kaalaya oo aan wada hadalno” sidasi waxa markale yiri xildhibaan Jeesow.

Ugu danbeyn xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in dhawaan ay magaalada Baledweyne ay soo gaari donaan wafdi ka socda dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo madaxda ugu sareysa maamulka Hirshabelle isla markaana la dhamyn doono waxyaabaha taagan.