Turkiga Oo Soomaaliya Ka Caawinaya Lacagaha Daymaha Ah Ee Lagu Leeyahay.

0
143

Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya waxaa ay ka Caawinaysaa sidii ay isaga gudi laahyd Lacagaha Daymaha ah ee lagu leeyahay, waxaana madaxaweynaha Dalka Turkiga Ordugan uu saxiixay warqad Soomaaliya looga bixinayo lacag dhan $2.72Malyan oo Dollar.

Rejab Dayib Ordugan ayaa mas’uuliyiinta waxaa uu amray in ay Lacagta sida ugu dhqsiyaha badan ugu  shubaan Ha’adda lacagta adduunka, taasi oo Soomaaliya ku leh lacag aad u farabadan oo dayn ah.

Dalka Turkiga ayaa Soomaaliya waxaa uu ka taageera dhinacyo dhowr ah, waxaana Soomaaliya lagu leeyahy Lacago daymo ah, taasi oo ay waddamo badani ku leeyihiin, inkastoo Xukuumaddii xasan Cali Khyre ay ku guulaysatay in Soomaaliya laga cafiyo lacago badan haddana waxaa jira Daymo kale oo wali Soomaaliya lagu leeyahay