Waa kuma Weeraryahanka ay doonayso Juventus inay Kooxda PSG kaga bedelato Cristiano Ronaldo.

0
113

Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa la soo warinayaa inay qorsheynayso inay Weeraryhan kaga bedelato PSG dhaliyaheeda sare ee Cristiano Ronaldo.

Juventus ayaa doonaysa inay Ronaldo kooxda PSG kaga bedelato xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr.

Juventus ayaa rajeynaysa inay heshiis isdhaafsi ah la gasho Paris Saint-Germain taasoo ka dhigeysa in Cristiano Ronaldo iyo Neymar ay kala aadi doonaan labada dhinac xilli ciyaareedka soo aaddan.

Warsidaha TuttoMercatoWeb ayaa warinaya in heshiiska noocaas ah uu ku jiro labada ciyaaryahan ee qandaraasyo isku mid ah iyo cusbooneysiin ay ku sameynayaan kooxahooda haatan.

Ronaldo wuxuu qandaraas kula jiraa Kooxda Juventus ilaa iyo sanadka 2022-ka, kooxda Turin ka dhisan ayaana dooneysa inay lacag kaash ku hesho ka hor inta uusan bilaash ku tagin.