Wararkii Ugu Dambeeyay COVID-19 Iyo Tirada Kiisaska Oo Gaartay 60 Million.

0
105

Jaamacadda fadhigeedu yahay Mareykanka ayaa diiwaan gelisay 60,186,902 kiisas oo ah safmarka corona ah iyadoo 1,417,319 oo qofna u dhinteen xanuunka kolkii hore ka soo unkamay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha bishii December, ee sanadkii hore.

Dalka Mareykanka ayaa wali ah halka uu safmarka sida ba’an u dhibaateeyay, in ka badan 261,000  oo ruux ayaa u geeriyootay halka 12.7 million oo kiis laga diiwaan geliyay, waxaa ku xiga dalka India 9.2 million oo kiis ayuu marayaa safmarka corona, Brazil ayaa sidoo kale kamid ah meelaha uu saameeyay 6.1 million oo kiis ayaa laga heley iyadoo France  2.2 million kiis uu ku dhacay.

Ku dhowaad 38.4 million oo qof ayaa ka bogsootay feyraska corona caalamka oo dhan.