{DAAWO SAWIRAD} Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

0
218

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa Muqdisho kulan kula qaataay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Amb. Jamal M Hassan.

Ugaaska ayaa kala hadlay Wasiirka fulinta mashaariic horumarineed oo laga fuliyo gobolka sida dhismaha Biyo-xereenka iuo helista Biyo Macaan.

Dhanka kale Ugaaska ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda safaaradaha Talyaaniga iyo Qadar la qaatay kulamo kala duwan oo looga hadlayo filinta mashaariic aay ka mid yihiin dhismaha Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif Biyo-xereenka Beledweyne dhismaha Ceelal Riig ah iyo in wax laga qabto xaaladda Cisbitaalka dhexe ee gobolka Hiiraan.

Mashaariic dhowr ah oo Ugaaska uu soo dhameeyay ayaa fulintooda bilaaban doona dhammaadka bishan ugaas Xasan ayaana dhawaan Beledweyne dib ugu soo laaban doono.

Ugaas Xasan oo aad uga damqaday xaaladda Bulshada Hiiraan heeysata ayaa Dowladda soomaaliya iyo beesha Caalamka kala hadlaya fulinta mashaariic horumarineed oo muhiim u ah bulshada gobolka Hiiraan,madama siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada bulshada Hiiraan matala aay doorkooda gabeen.