DAAWO: Wasiirka arimaha gudaha oo xaalada Baladweyne ka hadlay

0
132

Wasiirka Wasaarada Arimaha gudaha iyo faderaalka ee xukuumada Soomaaliya Jen, Mukhtaar Xuseen Afrax oo saacadihii ugu danbeyay magaalada Baladweyne ka waday kulama uu la qaadanayo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa kulkan kiisii ugu horeeyay la qaaatay odayaasha dhaqanka Gobalka Hiiraan oo u kala hadlay xaalada Baladweyne.

Wasiir Mukhtaar Xuseen Afrax oo Baladweyne kula hadlay wariyaasha ayaa shaaca ka qaaday inuu ka xun yahay dagaalkii iyo dibad baxyadii manata ka dhacay magaalada, waxana uu sheegay in la dejiyo xaalka dadka iyo degaanka.

Wasiirka arimaha gudaha iyo faderaalka xukuumada Soomaliya Jen, Mukhtaar Xuseen Afrax waxa kale ee uu sheegay in sababta uu Baladweyne u yimid ay tahay sidii u xalin lahaa arimaha khilaafka beelaha iyo tabashada ay reer Hiiraan ka qabaan Maamulka Hirshabelle.

Ugu danbeyn Wasiir Mukhtaar ayaa dadka reer Blaadweyne ugu baaqay nabada iyo xasiloonida in laga wada shaqeeyo isla markaana wax walbo oo tabasha iyo khilaaf ah lagu dhameyo hab wada hadal ah.

Hadalka wasiirka arimaha gudaha iyo faderaalka xukuumada Soomaaliya Jen, Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa kusoo aaday xili maanta magaalada Baladweyne uu ka dhacay banaan bax looga soo horjeeday safar la sheegay in Baladweyne uu ku imaan lahaa madaxweynaha Hirshabelle, wallow u baaqday kadib dibad baxii iyo dagaalkii ka dhacay magaalada.

HALKAN HOSE KA DAAWO: