Guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka oo guddoon doortay

0
77

Guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka ee ay diideen musharaxiinta iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada ayaa maanta Muqdisho ku doortay guddoon si howlahooda ay u sii waddaan.

Guddigaan ayaa ku xareysay hoteel ku yaalla Muqdisho, waxaana ka maqan xubnihii heer dowlad goboleed ee maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Waxaa gudoomiye loo doortay Maxamed Xasan Maxamed oo helay 17 cod , Halka musharixii la tartamayay ee liibaan Abuukar Cismaan uu helay 3 cod.

Waxaa gudoomiye kuxigeen loo doortay Mowliid Mataan Salaad oo helay 19 cod , Halka musharixii latartamayay ee Yuusuf Maxamed Qayr uu tanaasulay doorashada ka hor.