Gudoomiye Cali Jeyte “Waa fulineynaa Amarka wasiirka arrimaha gudaha”

0
129

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in maamulku fulinayo amarada kasoo baxay wasiirka arrimaha gudaha Mukhtaar Xuseen Afarax oo Magaalada Beledweyne u tagay xalinta xiisada looga soo horjeedo maamulka Hirshabeeelle.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan waxaa uu sheegay in uu la shaqeyn doono Hay’addaha kala duwan ee dowladda iyo Madaxda maamulka Hirshabeelle.

Wasiirka Arrimaha gudah ayaa amray xaqiijinta Ammaanka Magaalada Beledweyne iyo hor taggida falal ka baxsan sharciga.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib U Heshiista  DFS General Mukhtar Hussien Afrah ayaa la kulmay ciidamadda qalabka sida qeybahooda kala gadisan ee ku sugan magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Wasiirku waxa uu bogaadiyey kaalinta wax ku oolka ah oo ay ciidamadu ku leeyihiin sugida amniga,xasiloonida,iyo nabadda gaar ahaan magaalada Baledweyne iyo dhamaan gobolka Hiiraan.

Waxaa uu ku booriyey in ciidamadu ay sii laba laabaan daadaalada wax ku oolka ay ka wada aan deegaanada ay ka hawlgalaan.

Wasiirku waxa kale oo uu bogaadiyey dadaaladii nabadeed oo ay ciidamadu ka sameeyeen deegaanka Nagaarta ee hoostaga degmadda Matabaan oo dhawaan beelo walaalo ah colaad ku dhex martay.