SAWIRRO: Gudoomiyaha B/Hirshabelle oo Xabsiga Dhexe ee Baladweyne kormeeray.

0
127

Gudoomiyaha Baarlamanaka Hirshabelle oo ay wehliyaan gudoomiye ku xigenka koobaad, maamulka gobalka iyo maxkamada madeniga ah ayaa booqday Xabsiga Dhexe ee Baladweyne oo ay ka muuqatay bur bur kasoo gaaray fatahaadihii soo noq noqday ee magaalada,  waxana uu geeyay deeq isugu jirta xoolo nool iyo raashiin uu ugu talagalay ciidmadaa iyo maxaabiista xabsiga.

Kormeerka uu gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle uu ugu kuur galayay xaalada amaan iyo mida nololeed ee maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe kadib waxa ugu horeyn goobta ka hadlay Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Baladweyne , gudoomiayaha maxkamada rayidka gobalka Hiiraan iyo gudoomiye ku xigenka Gobalka.

Intaasi kadib waxa madasha ka hadlay xildhibaan Daahir Amiin Jeesow iyo Gudoomiye ku xigeenka koobaad ee Hirshabelle Siraaji Sheikh Isxaq, waxana ay sheegen in wax laga qaban doono xabsiga dhexe ee Baladweyne.

Ugu danbeyn waxa goobta ka hadlay gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Dr, Cabdixakiin luqmaan Xaaji waxana uu sheegay in wax ay ka qaban doonaan bur burka ka muuqda xabsiga dhexe ee Baladweyne, waxana uu saraakiisha xabisga ku bogaadiyay inay ilaaliyaan xuquuqda muwaadiniinta ku jira xabsiga.