SAWIRRO: Odayaasha dhaqanka G/Hiiraan iyo Jen, Xuud oo kulmay

0
159

Odayaasha dhaqanka gobalka Hiiraan ayaa galinkii danbe ee maanta waxay degaanka Ilkacade ee duleedka Baladweyne kulan kula qaaten Jen. Abuukar Xuud oo ah hogaamiyaha maleshiyo hubeysan oo kasoo horjeeda dhisamaha loo maray maaamulka Hirshabelle, jabhadaas oo lagu magacaabo xaq u dirirka Hiiraan.

Kulanka Jen. Xuud iyo odayaasha oo ay warbaahintu dibad joog ka aheyd intisa badan ayaa looga hadlay xaaladihii ugu danbeyay ee maanta ka dhacay Baladweyne iyo in xaalka la dejiyo wax walbana wada hadal lagu dhameeyo.

Odayaasha ayaa Jen, Abuukar Xuud ka codsaday inuu ergo ku matasho wada hadalka odayaasha dhaqanka, Jabhada iyo wasiirka arimaha gudaha uu soo dirsado taas uu aqbalay Abuukar Xuud, waxana la qorsheynaya in wada hadaladaas ay ka furmaan Baladweyne.

Waxii warar ah ee kusoo kordha kala soco wararkeena danbe insha allah.