SAWIRRO: Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Baladweyne ka wado kulamo

0
143

Wasiirka wasarada arimaha gudaha iyo faderaalka ee xukuumada Soomaaliya Jen, Mukhtaar Xuseen Afrax oo maalmihii ugu danbyay howla nabadeyn ah ka waday magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa booqday xaalada dadkii ku dhaawacmay dagaalkii ka dhacay Baladweyne iyo saldhiga dhexe ee Baladweyne.

Kormeerka wasiirka arimaha gudaha kadib waxa uu saldhiga dhexe ee Baladweyne kulan kula qaatay saraakiisha laamaha maanka iyo maamulka gobalka, waxana laga wada hadlay xaalada amaan ee Baladweyne iyo sidii loo sugi lahaa amaanka guud iyo kaalintii nabadeynta ahyd oo ay ka qaaten dagaalbeldya dhawaan ka dhacay degaana hoos yimaada degmada Matabaan.

Taliyaha qeybta booliska gobalka Hiiraan Col Isaaq Cali Cabdulle oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa soo dhaweyay wasiirka arimaha gudaha, waxana uu kaga warbixiyay xaalada guud ee ciidamada, isla markaana sheegay in ciidamada Booliska ay diyaar u yihiin sugida amaanka Baladweyne.

Intaasi kadib Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo madasha kulanka ka hadlayaa ayaa sheegay in wasiirka arimaha gudaha uu Baladweyne u yimid howla adag, ka maamul ahaana ay fulinayaan awaamiirta Wasaarada Arimaha gudaha ee xukuumada Soomaaliya.

Ugu danbeyn Wasiika wasarada arimaha gudaha iyo faderaalka ee xukuumada Soomaaliya Jen, Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa laamaha amanaka Baladweyne ku bogaadiyay howsha ay hayaan, isagoona faray in ciidamadu u dhimriyaan dadka shacabka ah si ay wada shaqeyn buuxda u dhexmarta ciidamada iyo bulshada Baladweyne.