Wasiir Mukhtaar Afrax “Reer Baladweyne kama qaxi donaan Fatahaad Dambe”

0
473

Wasiirka wasaaaradda Arrimaha gudaha iyo faderaalka ee xukuumada Soomaaliya Janeraal Muqtaar Xuseen Afrax oo maanta soo gaaray Magaalada Beledweyne ayaa ku dhawaaqay inay ka hortagayaan in markale dadka Reer Beledweyne ay qaxaan.

Waxaa uu sheegay wasiir Mukhtar in sanad walba dadka Reer Beledweyne ay ka qaxaan fataahad uu sameeyo Wabiga Shabeelle ee mara gobolka Hiiraan, balse dowladda Soomaaliya ay juhdi farabadan gelineyso inay ka hortagto fatahaada.

Wasiirka Wasaaaradda Arrimaha gudaha iyo faderaalka ee xukuumada Soomaaliya Janeraal Muqtaar Xuseen Afrax waxa kale uu sheegay in uu diyaar yahay mashruucii looga hortegi ahaa fatahaada iyo qorshooyin kale oo loogu talo galay Bulshada Gobolka.

Sanadk kasta tiro laba jeer ah ayaa dadka ku nool Magaalada Beledweyne waxaa saameyn ku yeesha fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabelle iyaga oo u barakaca degaanka Ceel-jaale ee duleedka Magaalada Beledweyne, halkaas oo ay ku qabsadaan dhibaatooyin kala duwan.