Dowlada Soomaaliya Oo Canbaareysay Weerarkii Lagu Soo Qaaday Beledxaawo

0
91

Dowladda Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerar la sheegay in ay maleeshiyo ay soo hubaysay Dowladda Kenya xalay kusoo qaadeen Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu yiri: “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay caddaynaysaa in ay maleeshiyo ay soo hubaysay Dowladda Kenya xalay weerar qaawan kusoo qaadeen Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo. Si kastaba ha ahaatee, waxaa si geesinimo iyo wadaninimo ku jirto weerarkaas uga hortagay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, waxaana halkaas ku beenoobay gardarradii iyuo damaacigii qaawanaa ee Dowladda Kenya ay ku doonaysay inay si aan toos ahayn u maamusho qayba ka mid ah dalka Soomaaliya”.

Dowladda Soomaaliya ayaa intaas waxaa ay ku dartay in weerarku uu ahaa weerar fashilmay oo ay Kenya soo qaadday, waxaana intaa ku dartay Isku dayada noocaan oo kale ah ay  kasoo horjeedaan nabad ku wada noolaanshaha waddamada deriska ah iyo sharciga adduunka labadaba.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay cambaaraynaysaa isku daygaan fashilmay oo ay dabada ka wadday, soona qorshaysay Dowladda Kenya. Isku dayada noocaan oo kale ah waxay kasoo horjeedaan nabad ku wada noolaanshaha waddamada deriska ah iyo sharciga adduunka labadaba. Waxay sidoo kale dhaawacayaan xornimada, midnimada iyo qaranimada” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.