Guddoomiyihii gobolka Gedo oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay.

0
64

Wasiir Ku-xigeenka Wasaarradda Arrimaha Gudaha maamulka Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xusseen  ayaa guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Gedo.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka ayaa xilkii guddoomiyaha gobolka looga qaaday Cismaan Nuur Xaaji Macalimuu waxaana xilkan loo magacaabay Axmed Buule Gareen.

Guddoomiyaha xilka laga qaaday Macalimuu ayaa gobolka maamulayay tan iyo markii halkaa la geeyay ciidamada dowladda Soomaaliya.

Gobolka Gedo ayaa ah xudunta khilaafka ugu weyn ee ka taagan doorashada Soomaaliya, kaddib markii madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe uu ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay la wareegtay guud ahaanba maamulka gobolka Gedo,