SAWIRRO:.Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Oo Gaaray Degmada feerfeer Soomaliya.

0
121
Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte ayaa Gaaray Degmada feerfeer Soomaliya waxaana halkaasi kusoo dhaweeyey Maamulka degmada iyo qeeybaha kala duwan ee Bulshada ku Nool Degmada.
Wafdiga waxaa qeeyb ka ahaa Maamulka Saraakiisha Ciidamada Booliska iyo Melitiriga Gobolka Hiiraan waxaana ay kormeeren Mashaariic laga fulinayo degmada Feerfeer soomaaliya o ugu horeeyso 2 barkadood oo halkaasi ku yaalla oo mid laa dhisay halka mida kalena dib udayactir Lagu wado.
Gudoomiyaha degmada Feerfeer soomaaliya ayaa ugu horeeyn Masuuliyeentan ku soo dhaweeyey degmada feerfeer soomaaliya waxaana uu sheegay in dhibaatada ugu weyn ee xiligan ay tahay dhinaca biyaha, madaama deegaanka uunan laheyn Ceel biyood.