Maamulka Gobolka Banaadir Oo Digniin Culus Diray Iyo Document-Yo La Gubay,

0
181

Goob Fagaare ah ayaa waxaa lagu gubay Document-yo uu horay u istimaali jiray Maamulka Gobolka iyo Dowladda hoose ee Xamar, waxaana Maamulku uu digniin adag u diray dadka sida sharci darrada ah u isticmaala Documents-ka been abuurka ah ee dowlada hoose Xamar.

Document-yada la gubay ayaa ah kuwo horay bulshada loogu shaqayn jiray, waxaana dhammaantood ay yihiin kuwo laga maarmo oo hadda laga gudabay Isticmaal kooda,

Goobta lagu gubay Document-yada ayaa waxaa goob joog ka ahaaa Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka, waxaana warbaahinta la hadlay Afhayeenka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan, waxaana uu ka warbixiyay u jeedka iyo sababaha maamulku u gubay Document-yada.

Waxaa uu shegay in Xiligaan Maamulka Gobolka iyo dowladda hoose ee Xamar uu isticmaaalo hadda  Nidaam casri ah, waxyaabahanina ay yihin kuwo aan hadda baahi loo qabin, horayna umadda loogu shaqeyn jiray.

Waxaa intaas uu ku daray in Document-yadaani ay yihiin kuwo muddo dheer lasoo isticmaalaayay, waxaana isku soo baddalay oo kusoo  shaqeeyay maamuladii kala duwanaa ee soo maray Caasimadda, waxaana hadda ay yihiin kuwo laga maarmo isticmaal kooda, iyadoo Afhayeenku sheegay in la isticmaalayo kuwo Casri ah oo Nidaamkii hore ka duwan.

Documents-ka la gubay ayaa waxaa ka mid ah, warqadaha qoyska oo gaaraya 4,000 (afar kun) oo Document, warqadaha dhalashada iyo sugnaanta oo gaaray 2,000 (labo kun)  Document, warqadaha fasaxa dhismaha, warxadaha caafimaadka, Warqadaha Sabarloogooyinka iyo Document-yo kale.

Ugu dambeyn Maamulka gobolka Banaadir ayaa digniin u diray dadka sida sharcidara ah u isticmaala Documents-ka been abuurka ah ee dowlada hoose Xamar, waxaana uu sheegay in tallaabo laga qaadi doono ciddii lagu arko iyagoo isticmaalaya Documents-ka noocaan oo kale ah.