Musharax Daahir Geelle”oo kahadlay dagaalkii ka dhacay baladxoowo

0
86

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa nasiib daro ku tilmaamay dagaalkii  ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Waxaa uu sheegay in ay nasiib daro tahay in dhiiga Wiilasha Soomaaliyeed laga dhex raadiyo Fursad.

Waxaa uu ugu baaqay Shacabka degmada Beledxaawo in ay ilaashadaan Ammaankood ayna ka fogaadaan waxwaliba oo keeni kara in ay barakacaan.

“Marnaba ma mudnayn in libin laga dhex raadiyo wiilal Soomaaliyeed oo walaalo ah inay is dilaan ee hebel ayaa qabsaday iyo hebel ayaa laga qabsaday la yiraa”ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle.

Waxaa uu tilmaamay in degmada ay mudneyd in uu booqasho ku tago Madaxweynaha wuuna fidiyo gogol nabadeed.

Shan Carruur ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen hal Goob, kadib markii uu hoobiye ku dhacay gurigooda, waxaana hoobiyaha ka badbaada Aabahood oo lagu Magacaabo Abdiwali Turmaag Maxamed.

Dhinaca kale Hoobiye ku dhacay guri ku yaalla degmada Beled-Xaawo ayaa waxaa la sheegay inay ku dhinteen  Aabe Cabdi Afdheere Gidirow & Saddex Carruur ah oo uu dhalay.

Sidoo kale, dadka dagaalka ku dhintay waxa kamid ah taliye ku xigeenkii booliska Beledxaawo iyo labo illaalladiisa ah.