Wasiirka Cadaaladda XFS oo sheegay in Wasaaraddiisu ay diyaarisay Shuruuc kaabeysa Garsoorka.

0
79

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay in Wasaaraddiisu ay diyaarisay sharciyada kaabaya Garsoorka Dalka sida hubinta howlaha socda, Diyaarinta Xeerarka, dhaqangelinta, Miisaaniyadda & Tababarada la siinayo xubnaha ku howlan Hay’adaha Garsoorka.

Muddada uu xafiiska joogo ayuu Sheegay in Golaha Shacabka uu u gudbiyay Sharciga Nootaayooyinka oo ugu dambeyn cod ka helay, ujeedka loo diyaariyay waxa uu ku sifeeyay in ay korortay cabashada dadka ee warqadaha Been abuurka ah sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir Cabdulqaadir ayaa xusay in wali ay qabyo tahay howsha la dagaalanka Cadaalad darrada, dabagalka Sharciga la dagaalanka Musuqa & Diyaarinta Shuruucda kale ee qabyada ah si loo mariyo Hay’adaha iyo xafiiyada awoodda u leh Sida Golaha Wasiirada & BFS.

“Waxa uu dalka u baahan yahay shuruuc kala duwan, Xeer ilaalinta waxa aan u diyaarinayay sharci aad loogu baahan yahay oo aan u gudbineyno Golaha Wasiirada, waqti dhaw waxa aan soo gudbineynaa sharciga da’yarta oo muhiim u ah Carruurta Soomaaliyeed, dib u habeynta guud ee Cadaaladda sida dhismaha Xabsiyada, Tababarada Garsoorayaal & Xeer ilaaliyaal waa howl socota” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Cadaaladda XFS.

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay Shirka sanadlaha ee looga hadlayo Arrimaha Garsoorka Soomaaliya, waxaana ka qaybgalaya Mas’uuliyiin kala duwan oo aqoon u leh Shaqooyinka Garsoorka si ay usoo bandhigaan aragtidooda & waxyaabaha ay kusoo kordhin karaan kulanka.