Puntland Oo Shuruud Culus Ku Xirtay Ka Qeyb Galka Shirka Magaalada Muqdisho.

0
68

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa shuruud Culus ku xirtay ka qeyb galka shirka uu ku baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ka dhacaya Magaalada Muqdisho.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Puntland ay dalbadatay in Shirka uu ku baaqay Farmaajo laga wareejiyo Caasimadda dalka ee Muqdisho, isla markaana lagu qabtay dalalka Jabuuti ama Kenya.

Shirkaas ayaa lagu waday in 18-ka bishaan furmo, hayeeshee dib u dhac ayaa yimid, waxaana qorshahiisu yahay in lagu saxiixayo heshiiskii Guddiyada Farsamada dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ku gaareen Baydhabo.