Maxkamadda ICC oo baarayso danbiyo dagaal oo ka dhacay Falastiin

0
76

Dacwad oogaha guud ee Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah ee ICC ayaa sheegtay in ay bilaabayso baadhitaanka dembiyo dagaal oo la sheegay in ay ka dhaceen dhulka Falastiiniyiinta.

Fatou Bensouda ayaa sheegtay in baadhitaankaasi khuseeyo falal ka dhacay Daanta Galbeed iyo Bariga Quddus oo labadaba ay Israel haysato iyo sidoo kale Qasa laga soo bilaabo 13 Juun 2015.

Bishii hore ayaa maxkamadda ICC ee xarunteedu tahay Hague, sheegtay in ay awoodaheeda ka garnaqa dembiyada dhacay ay ka mid yihiin wixii ka dhaca dhulka Falastiiniyiinta.

Israel ayaa se ku gacan saydhay go’aankaa Bensouda, waxa se soo dhaweeyey madaxda Falastiiniyiinta.

Maxakamadda ICC waxay awood u leedahay in ay dacwad ku soo oogto cidda ku eedaysan xasuuq iyo dembiyada laga galo bani’aadanimada ee ka dhaca dhulka dalalka xubnaha ka ah ee saxeexay heshiiskii Roma ee lagu dhisay maxkamadda.

Israel ma ay saxeexin heshiiska Roma, laakiin xog-hayaga guud ee Qaramada Midoobay ayaa aqbalay sannadkii 2015 in [maamulka] Falastiiniyiintu xubin ka noqdo Maxkamadda