Xaalada koronaha ee Dalka Finland

0
97

Afar ruux ayaa maanta ugu geeriyootay cudurka kornaha dalka finland iyadoo laga helay tiro gaareysa 797 ruux.

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Finland tirada guud ee uu xanuunka haleeyay ay gaareyso ilaa iyo sanadkii tagay 59 442 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysayna waa uu sii kordhay faafista cudurkan waxaana ku korortay tiro gaaraysa 7 847 qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 258 qof, waxaana ku korodhay tiradii hore 13 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 37 qof, waxaana ku soo kordhay 2 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 759 qof.
Todobaadka soo socda ayaa lagalin doonaa dalka xaalad adag oo socondoonta ilaa 28.03.2021 iyadoo ay ardayda dugsiyada dhexe, sare iyo kuwa macaahidduba ay wax kubaran doonaan xaga internetka iyagoo jooga guryahooda.Sidoo kale maqaaxiyaha ayaa la xiri doonaa qaar ka mid ah gobollada dalka laga bilaabo 8.3, haddii uu baarlamaanku arrinkaas anisixiyo. Waxaa kaloo dowladdu ay waddaa qorshaha ah in dalka lagu sameeyo saddex toddobaad oo jidxir ah.
Nasro Ali Husein
Helsinki- Finland