Heshiis hordhac ah oo lagu gaaray shirka ka socda Teendhada Afisiyoooni

0
60

Ilo ku dhow dhow shirka uga socda Teendhada Afisyooni ee u dhexeeya Madaxda Dowlad Federalka, Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in mabdi’iyan la isku raacay in shirka soo socda la ballaariyo.

Heshiiska hordhaca ah ee la gaaray ayaa waxaa ka mid ah in furitaanka shirka soo socda ay ka soo qeyb galaan Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Madaxweynayaashi hore, Ra’iisul Wasaarayaashi hore, iyo ururada bulshada rayidka.

Qodobada laga heshiiyay ayaa waxaa ay ka mid ahaayeen shuruudo ay hore ugu xireen shirka Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland. Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Heshiiskan ayaa imanaya maalin kadib markii ay Beesha Caalamka ay ka codsadeen madaxda Soomaaliya inay heshiis gaaraan.