Maxamed Cabdulahi Farmaajo oo lagu eedeeyay Fashilka Shirkii Afisyooni

0
64

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed islamarkaana ah Musharax Madaxweyne ayaa ku eedeyay Madaxweynaha Muddo xileedkiiso dhamaaday  Fashilka Shirkii Arimaha doorashooyinka.

Waxaa uu sheegay in ay tahay wax laga xumaado burburka ku yimid shirkii wadatashiga Qaran ee ka socday teendhada Afisyoni.

“Waxaa xaqiiq ah in shirkaaas uu ahaa mid umadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba ay aad oga dhursugayeen, burburkiisana uu natiijo xumi ku reebi doono guud ahaan dalka, gaar ahaanna doorashadiisa”ayuu yiri Guuleed.

Waxaa kaloo intaasi kusii daray hadalkiisa “Natiijada burburka shirka iyo masuuliyaddiisa waxaa si buuxda u qaadaya madane Maxamed Cabdulahi Farmajo, oo asagu diidan inay dalka ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, rabana inuu talada dalka ku sii heysto boob iyo waddo aan sharci aheyn”

Ugu dambeyntii waxaa uu yiri “Waxaan ku baaqeyna in dadka Soomaaliyeed u istaagaan inay dalkooda ka badbaadsadaan burbur iyo fashil ku yimaada mar kale, qof kasta oo naga mid ahna uu dareemo khatarta taagan iyo marxaladda adag ee uu dalku haatan marayo”