Ciidamada Dowladda oo Howlgal ka Sameeyay Dagmada Awdheegle

0
88

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheeysan waxaa ay kasameeyeen degaano hoostaga degmada awdheegle ee gobolka Shabeelaha hoose halkaasi oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa saraakiisha sheegeen inay uga jawaabayeen Hoobiyeyaal AlShabaab  kasoo tuureen degaanada ay ciidanka howlgalada kasameeyeen hoobiyaashaasi oo ku dhacay xaafado katirsan degmada awdheegle iyadoo uu qasaare kasoo gaaray dad shacab ah oo guryahooda ay kudhaceen hoobiyayaasha.

Saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida usheegay in howlgalka ay khasaare xoogan kugaarsiiyeen Al-Shabaabkii  hoobiyayaasha soo tuuray, isla markaana laga dilay 13-kamid ah oo uu kujiro Sarkaalkii watay.

Saraakiisha ayaa intaasi kudaray inuu howlgalka socdo weli ay kuraad joogaan Xubno kale oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo weli ku sugan degaano hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa inta badan waxaa ay howlgallo kala duwan ka fuliyaan degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo mararka qaar ay weeraro ka geystaan Al-Shabaab.