Faah faahin dheeraad ah oo Kasoo Baxeeyso Dagaal ka dhacay Duleedka Buulo Burde.

0
87

Waxii sii kordhayo khasaaraha dagaal xoogan oo udhaxeeyo Ciidamada Dowlada Soomaaliyo iyo Alshabaab oo ka dhacay deegaanka Ceelbacaad oo ah duleedka Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay qasaaraha dhimashada 5 ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah iyo 7 qof dhawac ayuu gaarayaa sida ay Hiiraanweyn usheegen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowlada.

dagaalka ayaa ka biloowday kadib markii Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo howlgal ka waday inta u dhaxeysa degmooyinka Buuloburte iyo Jalalaqsi ayaa la sheegay in dagaal kala kulmeen dagaalyahano katirsan Al- Shabaab oo ku sugnaa Deegaanka Ceelbacaad oo ku yaalla inta udhaxeeyso Degmooyinka Buulo Burde iyo Jalalaqsi.

Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka ee ku sugan Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan ayaana wali ka hadleen dagaalka ka dhacay manta deegaanka Ceelbacaad, Degaanka Ceelbacad u ka socda dagaalka ayaa dhowr jeer oo hore waxa ugu dagaalamay ciidmaada dowlada oo garab ka helaya Macaawisley iyo A.shabaab, waxana gacan ku haynta degaanka u muhiim u yahay wadada xiriirisa degmooyinka Bullobarde iyo Jalalaqsi e gobalka Hiiraan.