Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo Muqdisho kulan kula qaatay Siyaasiyiinta iyo wax garadka Xawaadlle

0
438

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa maanta magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya kulan ballaaran kula qaatay Siyaasiyiinta Dhallinyarada Haween Odayaasha iyo wax garadka beesha Xawaadlle ee magaalada Muqdisho ku sugan.

Siyaasiyiinta kulankaasi ka qeybgalay waxaa kamid ahaa Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullahi Cosoble Taliyihii hore ee NISA Cabdullahi Sanbaloolshe, Xildhibaanada Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee waqtigooda dhamaaday iyo wasiirka arrimaha gudaha Xukumadda Soomaaliya Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii Midnimo iyo wada jir looga wada shaqeyn lahaa horumarka beesha iyo in la sii laba jibaaro taageeridda Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle iyo guud ahaan maamulka Hirshabelle.

Dood iyo faleyn qeyn dheer kaddib kulanka ayaa ugu dambeyn la isku afgartay dhammaan qodobadii laga hadlay.

Dhinaca kale kulankan ayaa go-gol xaar u ah kulan weyn oo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar Muqdisho kula qaadan doono Maalinta Axadda ah haddii Alle idmo Beesha Xawaadlle iyo kan xiga oo Beledweyne lagu qaban doono.

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar ayaa kulamadaasi markii uu soo gabo gabeeyo waxa uu gaari doonaa magaalada Jowhar oo Doorashada Xildhibaanada Aqalka sare ka billaaban doonto.