Maraykanka oo Mar kale cirka ka duqeeyey saldhig Al-Shabaab ku leeyihiin Mudug

0
109

Ciidamada Maraykanka ayaa saaka mar kale duqeyn ka geystay saldhig Al-shabaab ku lahaayeen degaano ka tirsan gobolka Mudug xili ay halkaas howlgalo ka wadaan ciidamada DF iyo kuwa daraawiishta Galmudug.

Wasaarada amniga Galmudug ayaa shaacisay in labo gantaal lagu dhuftay degaano u dhexeeya Qeycad iyo Hareeri dheere.

“Laba gantaal oo kuwa diyaaradaha laga soo rido ah ayaa lagu duqeeyey saldhig kale oo kooxda Alshabaab ay ku lahaayeen Qaycad iyo Hareeri dheere dhexdooda, waxaana hadda horey u galay ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaarada amniga Galmudug.

Ciidamada xoogga iyo kuwa Galmudug ayaa si buuxda shalay la wareegay Degaanka Qaycad oo maalmihii la soo dhaafay dagaallo xooggan lagula galay kooxda Al-Shabaab.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii ciidamada maraykanku ay duqeyn tan la mid ah ka geysteen saldhigii ugu weynaa ee Al-shabaab ku lahaayeen degaanka Qeycad, halkaasoo saraakiisha xoogga dalku sheegeen in lagu laayey qiyaastii 70 dagaalyahan inkastoo Al-shabaab ay beenisay in rag badan laga laayey.