Muqdisho lagu soo bandhigay Burcad hubeysan

0
100

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ay Caawa Magaalada Muqdisho kusoo bandhigeen Rag Burcad ah oo hubeysan, kuwaas  ay sheegeen inay dhac ka geysan jireen degmada Deeyniile ee Gobolkan Banaadir iyo degaannada ku dhow.

Kusimaha Afhayeenka Ciidanka Booliska Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in raggaan hubeysan ay ahaayeen kuwii saaka ku dagaalamay Isgoyska Ex-koontorool Afgooye ee Magaalada, kuwaas oo uu sheegay in, iyaga oo dhac geysanaya ay dhexdooda iskhilaafeen, isla markaana dagaalkii dhex-maray ay ku geeriyoodeen Afar Ruux oo Shacab ah oo ay kujirto Hooyo Waayeel ah.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in dagaalka kadib ay Galabta ku baxeen Ciidamada  Booliska Soomaaliya, isla markaana ay weerareen Goob ay ku dhuumaaleeysanayeen Kooxaha Burcadda ah, gacantana ay kusoo dhigeen qaar kamid ah ragga Burcadda ah iyo hubkii ay wateen.

Ugu dambeyn Kusimaha Afhayeenka Ciidanka Booliska Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan waxaa uu sheegay in marnaba aan la aqbali doonin in la dhibaateeyo Shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ragga Burcadda ah ee la soo qabtay Maxkamad la horgeyn doono.