Haweeneeydii labaad oo loo doortay Sanoter ka tirsan Aqalka sare.

0
85

Waxaa weli Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ka socota doorashada qaar kamid ah xildhibaannada Aqalka Sare, iyada oo Goordhow lagu doortay Xildhibaankii labaad ee Aqalka Sare.

Munaasabadda doorashada oo ay ku sugan yihiin, Xildhibaannada Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed, guddiga doorashooyinka Heer Federaal & xalinta khilafaadka doorashooyinka ayaa Ilaa  10 Musharax waxaa ay ku tartamayeen Shan kursi oo kamid ah Xildhibaannada Aqalka sare.

Kursiga labaad ee Aqalka sare ee Maanta doorashadiisa ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku tartamay Ayaan Aadan Cabdullaahi & Farxiyo Nuur Aadan, waxaana kusiga labaad ee ka imaanaya degaannada Koonfur Galbeed ku guuleysatay Ayaan Aadan Cabdullaahi.

Guddiga doorashooyinka ayaa shaaciyay in Ayaan Aadan Cabdullaahi ay heshay 79 Cod  halka Farxiyo Nuur ay heshay Cod  8 Cod.